Guddiga doorashooyinka dalka oo Shahaadooyin Gudoonsiyaay shan Xisbi Siyaasadeed

HomeWararka

Guddiga doorashooyinka dalka oo Shahaadooyin Gudoonsiyaay shan Xisbi Siyaasadeed

Munaasabad Maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxaa Gudiga doorashooyinka Qaran ayb Shahaadooyinka KMG ah guddoon siiyeen Shan Xisbi siyaasad

Ayatollah Ali Khamenei oo 8 sano kadib salaadda Jimcaha Tujinaya
Warka Fiidnimo iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe
Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Munaasabad Maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxaa Gudiga doorashooyinka Qaran ayb Shahaadooyinka KMG ah guddoon siiyeen Shan Xisbi siyaasadeed oo dalka ka jira

Xisbiyada Maanta Shahaadooyinka la siiyey ayaa ku biiraya 10 xisbi oo horay Guddiga doorashooyinka Shahaadooyin u siiyeen,si ay Sanadka 2020 uga qeyb qaataan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Xisbiyada Maanta Shahaadooyinka KMG ah la guddoon siiyey.

1:- Xisbiga Shaqsiyadda iyo Wadaniyadda Soomaaliyeed waxaa guddoomiye ka ah Maxamud Maxamed Muuse

2:-Xisbiga Cadaalada iyo Badbaada Soomaaliyeed waxaa guddoomiye ka ah Maxamud Macalin Nuur

3:-Xisbiga Damiirka iyo Soomaalinimada iyo Horumarka waxaa guddoomiye ka ah Maxamed Macalin Xasan

4:- Xisbiga Hal-Qaran waxaa guddoomiye ka ah Maxamed Macalin Cali

5:- Xisbiga Dadka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye ka ah Cabdirashid Maxamed Cali.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: