Jiif Caaqil Cabdirisaaq Jaamac Cabdi Bile oo si kulul uga hadlay xirxirka shacabka Laascaano iyo guulaha dagaal ee ciidamada Puntland

HomeWararka

Jiif Caaqil Cabdirisaaq Jaamac Cabdi Bile oo si kulul uga hadlay xirxirka shacabka Laascaano iyo guulaha dagaal ee ciidamada Puntland

Jiif Caaqil Cabdirisaaq Jamac Cabdi Bile, ahna mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland ee laga soo xulo gobolka Sool, ayaa si kulul uga hadlay wuxuu ku

Ciidamada PSF oo Qardho Maanta ka sameyeey Dhirbeeris (dhegayso+Sawiro)
Puntland: Saynab Ismaaciil Maxamed oo noqotay Gabadhii u horaysay ee gasha Aqalka Sare
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay xayirtay 250 akoon oo Shabaab lacagaha ku arursan jireen

Jiif Caaqil Cabdirisaaq Jamac Cabdi Bile, ahna mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland ee laga soo xulo gobolka Sool, ayaa si kulul uga hadlay wuxuu ku tilmaamay xarig iyo xad-gudub joogto ah oo shacabka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay kala kulmaan ciidamada Somaliland.

Caaqilka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegay ciidamada Somaliland dad maato ah oo carruur iyo haweeni ku jiraan in ay ku xirxireen saacadihii ugu dambeeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin dad aan waxba galabsan oo si gardarro ah loogu soo duulay.

Waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Puntland ay guulo ka soo hoyiyeen labo dagaal oo ay la galeen kuwa Somaliland, welina ay wadaan xoraynta gobolka Sool iyo deegaannada kaleba, isagoo shacabka gobolladaasi ku boorriyey taageeridda iyo garab-istaagga ciidamada Puntland, si ay u helaan xorriyad nololeed, ammaan, iyo hormar deegaanba.

Caaqilku, ahna xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Puntland, waxaa kale oo uu dhaliilay dawladda dhexe ee federaalka oo uu sheegay in ay gabtay doorkii looga fadhiyey ee illaalinta midnimada Soomaaliya, iyo ka hortagga kala qaybinta mid ahaanta dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid xilli maalinkii shalay ahaa magaalada Laascaanood uu ka dhacay bannaanbax ballaaran oo lagu diidanyahay joogista Somaliland ee gobolka, siiba magaalada Laascaanood oo ay xoog kula wareegeen sannadkii 2007dii, Waxaana illaa xalay iyo shalay gelinkii dambe Laascaanood ka socday xirxirid dad shacab ah oo lagu eedaynayo diidamadooda Somailand.

Hoos ka dhegayso.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: