Lix ruux oo ku geeriyooday fatahaaddii Wabiga ee Baladwayne

HomeWararka

Lix ruux oo ku geeriyooday fatahaaddii Wabiga ee Baladwayne

Lix ruux ayaa ku geeriyooday fatahaadda wabiga Shabelle ee magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida uu sheegay xildhibaan Daahir Amiin Je

Shir looga hadlayo doorka haweenka ee dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay (Sawiro)
London Qarax Ayaa Kadhacay Waddo Tareen (Sawiro)
Dhahar iyo Dhulka Hoosyimaada oo Xareeddu Buux Dhaaftay

Lix ruux ayaa ku geeriyooday fatahaadda wabiga Shabelle ee magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida uu sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Xildhibaanka ayaa sheegay dadka geeriyooday inay ahaayeen dad kasoo jeeday hal qoys.

“Lix ruux oo isku qoys ahaa oo baabuur saarnaa waxaa ku dumay boosaneer, ayaga iyo baabuurkii ay wateen meeshaas ayay ku aasmeen”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Waxaa sidoo kalle jira barakac iyo burbur khasaare oo ka dhashay fatahaadda wabiga Shabelle iyo roobab mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada, lacagihii shilin Soomaaliga ayaa horay uga joogsatay inay ka shaqayso Baladwayne, halka lacagta EVC ee mobilada lagu qaato aanay shaqayneen.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: