Dhahar iyo Dhulka Hoosyimaada oo Xareeddu Buux Dhaaftay

Dhahar – Degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa ka mid noqotay meelaha roobabka ugu badan ee gu’gu ka da’een labadii maalmood ee ugu dambeeyey.

Roobkii ugu dambeeyey waxaa uu qabtay shalay oo Sabti ahayd, wuxuuna hayey saacado badan oo xiriir ah, si karar ahna dhibicdu u da’aysay.

Waxaa buuxsamay baraagihii ku yaallay gudaha iyo bannaanada magaalada Dhahar, waxaa buusamay balliyadii Xareedda, Xurfadihii iyo meelkasta oo dhulka hoos u godan ah.

Sidoo kale deegaannada miyiga ah dhinacyada kala duwan ka xiga Dhahar, iyo kuwo magaalooyin ah ayaa iyana sidoo kale roobku u helay, una doogsamay si buuxda.

Waddooyinka magaalada dhexdeeda mara ayaa biyaha xareeddu si mugleh u ceegaagaan, waxaana qaarkood ka hakaday isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah waddooyinka soo gala Dhahar ama ka baxa ayaa xirmay, kana joogsadeen gaadiidkii mari jiray sifo la xiriira xoogganaanta biyaha dhulku cabbay oo sababi kara dhiirigal gaadiidka ah.

Maanta iyo shalayba, waxaa la arkayey gaadiidka isticmaala waddooyinka isku xira Dhahar iyo Sheerbi oo ka weecday marista jidadkaasi, iyadoo Sheerbi ay tahay meesha ugu dhaw ee ay laamiga ka soo fuulaan ama ka degtaan gaadiidka aadaya Dhahar ama ka imaanaya, waxayna marayeen gaadiidku maanta iyo shalayba dhinaca magaalada Qardho oo cag adag xagga dhulka ah la biday.

Magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan iyo deegannada hoosyimaada, waxay ka mid ahaayeen meelihii abaarta iyo biyo la’aanta ugu darani ay ka jirtay muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaana ku soo xarooday boqolaal qoys oo reer guuraa ah, kuwaasi oo ay xoolihii ka dhammaadeen, waxaana kaamam cayreed looga sameeyey duleedka magaalada Dhahar.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

    

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com