Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraatka oo lagu eedeeyey Qadar

Khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraatka oo lagu eedeeyey Qadar

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ku eedeeyay Dowladda Qadar in ay gadaal ka riixeyso khilaafka dowladdiisa kala dhaxeeya Soomaaliya.

Anwar waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka go’antahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya islamarkaana khilaafka hadda taagan uusan u khalmin uu waxyeelleeyo walaalnimada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Qoraal uu soo dhigay Twitterkiisa ayuu isku weydiiyay ilaa goorta uu sii socon karo khilaadka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

“Dowladda Imaaraadka waxaa ka go’an ilaalinta Midnimada Soomaaliya dad ahaan iyo dal ahaan”,ayuu yiri wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com