Wasiir Beyle oo Muqdisho ku qaabilay Wasiirada Maaliyada Dowlad gobaleedyada

HomeWararka

Wasiir Beyle oo Muqdisho ku qaabilay Wasiirada Maaliyada Dowlad gobaleedyada

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan aan caadi ahayn waxaa uu magaalada Muqdisho kula qaatay

Howlgal xoolaha waddooyinka Muqdisho daaqo ka dhan ah oo la qaaday (sawiro)
TOOS : Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha PL & ku xigeenkiisa
Sicir Barar ka Taagan Gobolka Hiiraan iyo Saameynta Awaamiirta Alshabaab (dhegayso)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan aan caadi ahayn waxaa uu magaalada Muqdisho kula qaatay Wasiirrada maaliyadda dowlad Goboleedyada dalka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ujeedada kulankaas ay tahay sidii loo mideyn lahaa islamarkaana hal mar canshuurta looga qaadi lahaa dalka oo dhan si ay wasaaradda u dejiso Siyaasadda dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah iyo Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa bishii la soo dhaafay goradda isla galay kaddib markii uu wasiirku soo rogay canshuurta iibka oo lagu qaadayo dekadda Muqdisho waxaana ay taas sababtay in Ganacsatada ay ku dhaqaaqaan shaqo joojin.

Wasiir Beyle ayaa hadda sheegaya in si siman loo billaabayo canshuurta dalka oo dhan si aanay u imaan khilaafaadkii hore oo kale ee ay Ganacsatada ku doodeen in kaliya Muqdisho laga qaadayo canshuurta iibka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: