Somaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Kala Saxiixday

Somaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Kala Saxiixday

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta soo bandhigay heshiis ay isla maanta kala saxiixdeend dowladda Turkiga kaas oo lagu dhisayo xarunta KMG ah ee golaha shacabka Soomaaliya ee ay hadda ku shaqeeyaan.

Guddoomiye Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaas lagu dhisayo xarunta ay hadda ku shaqeeyaan uu qaadanayo muddo gaareysa 5 bilood isaga oo xusay in kaddibna la dhisayo Xarunta Guriga Umadda ee uu Baarlamaanka leeyahay.

Dhinaca Dowladda Turkiga waxaa u hadlay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya oo isna sheegay in dowladda Turkiga ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Hay’adda TIKA ay dhiseyso golaha shacabka Soomaaliya isaga oo sheegay in marka la dhiso xarunta weyn ee Guriga Umadda ay halkaas u guuri doonaan golaha shacabka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com