Xisbiga Waddani oo heshiiska Berbera ku tilmaamey “dhaxal-wareejin dalka iyo dadka”

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Xisbiga Waddani oo heshiiska Berbera ku tilmaamey “dhaxal-wareejin dalka iyo dadka”

Xisbiga Waddani ayaa si kulul uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo DP World, kuna tilmaamey heshiisku in uu yahay mid dhaxal-wareejin dalka iyo dadka s

Soomaalidu waa geesiyaal waa been fakatay: Ninkii nooloow taariikhda daris si aan berri mar kale loogu aayin!
Hobyo oo uu ka furmay shirka beesha Habargidir (dhegayso | daawo)
Wasiir hore Cali Samriye oo ka hadlay barakicinta iyo xasuuqa lagu hayo shacabka Sitti, DDS

Xisbiga Waddani ayaa si kulul uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo DP World, kuna tilmaamey heshiisku in uu yahay mid dhaxal-wareejin dalka iyo dadka shisheeye lagu wareejinayo, ahna shirqool qaran. Xisbiga ayaa su’aalo kulul miiska soo saaray, waxaana kamid ahaa:

  1. Ma waafaqsana sharciga Somaliland oo baarlamaanka illaa iyo hadda lama horkeenin heshiiska, ee hadaba yaa heshiiska ansixiyey?
  2. Maadaama Somaliland aysan aheyn dal la aqoonsanyahay, xaggee hadhoow DP World iyo Imaaraadka laga dacweynayaa, ma maxkamadaha Hargeysa mise kuwa Imaaraadka?

Xisbiga ayaa dardaaran dadka Somaliland u diray, yirina, “dalka u kaca, dadka u kaca, hana la ogaado in shisheeye dalka la wareegayo, oo hadhoow yaan farta la qaniinin!”

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Xisbiga Waddani.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0