Xisbiga Waddani oo heshiiska Berbera ku tilmaamey “dhaxal-wareejin dalka iyo dadka”

Xisbiga Waddani oo heshiiska Berbera ku tilmaamey “dhaxal-wareejin dalka iyo dadka”

Xisbiga Waddani ayaa si kulul uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo DP World, kuna tilmaamey heshiisku in uu yahay mid dhaxal-wareejin dalka iyo dadka shisheeye lagu wareejinayo, ahna shirqool qaran. Xisbiga ayaa su’aalo kulul miiska soo saaray, waxaana kamid ahaa:

  1. Ma waafaqsana sharciga Somaliland oo baarlamaanka illaa iyo hadda lama horkeenin heshiiska, ee hadaba yaa heshiiska ansixiyey?
  2. Maadaama Somaliland aysan aheyn dal la aqoonsanyahay, xaggee hadhoow DP World iyo Imaaraadka laga dacweynayaa, ma maxkamadaha Hargeysa mise kuwa Imaaraadka?

Xisbiga ayaa dardaaran dadka Somaliland u diray, yirina, “dalka u kaca, dadka u kaca, hana la ogaado in shisheeye dalka la wareegayo, oo hadhoow yaan farta la qaniinin!”

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Xisbiga Waddani.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com