Imaaraadka Carabta oo dagaal Twitter-ka ku bilaabey Madaxweyne Farmaajo

Imaaraadka Carabta oo dagaal Twitter-ka ku bilaabey Madaxweyne Farmaajo

Sayid bin Suldaan al Nahyaan, dhidbihii Imaaraadka, oo la fadhiya Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Tan iyo saxiixii heshiiska Dekedda Berbera, ahaana heshiis u dhexeeya shirkadda DP World (DP World waa shirkad dowli ah oo ay leedahahay dowladda Imaaraadka Carabta), dowladda Itoobiya, iyo maamulka Somaliland, sharci ahaanna ahaa mid ku xadgudbay Qaranimada Soomaaliya, dowladda Soomaaliyana ay si toos ah uga hortimid, kuna tilmaantay waxba-kama-jiraan, baa waxaa isa soo taraya dagaalka afka ah oo Dowladda Imaaraadka Carabtu la beegsaneyso Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa.

Dagaalka afka waxaa uu biloowdey kaddib markii madaxa shirkadda DP World uu shir jaraa’id qabtay, kaas oo uu si toos ah ku yiri, “Somaliland waa dal madaxbannaan oo dowladda Federaalka Soomaaliya aan hoos tagin.”

Si ay u sii xoojiyo dagaalka afka ah ee ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo, dowladda Imaaraadku waxa ay abuurtay akoono Twitter ah oo beenabuur ah iyo dad Soomaali iska dhigaya. Akoomadaas qarkood biyo-iskuma-dhibcin oo waaba gabdho Carab ah ama iska dhigaya. Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey dhowr akoon oo Twitterka lagu shaaciyey, laguna tilmaamey beenabuur ay ka danbeyso dowladda Imaaraadka Carabtu, lana beegsanaya Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa aflagaado iyo beeno siyaasadeed oo lala damacsanyahay in bulshada lagu kiciyo, laguna argagixiyo.

Saddex akoon oo Twitter ah oo illaa hadda la shaaciyey baa kala ah:

  1. https://twitter.com/CibaadoHadaqL 
  2. https://twitter.com/AyaanKhudairS
  3. https://twitter.com/DhoolshafieP

kama marna akoono kale oo isugu jira Twitter iyo Facebook oo ayana beenabuur iyo aflagaado la beegsanaya Madaxweyne Farmaajo iyo kuxuumaddiisa.

Horey waxaa u jirey akoono Facebook ka dagaalama, kuwaas oo badanaa lagu eedeeyey in ay ka danbeyso dowladda Itoobiya, badanaana shaaciya siyaasado lid ku ah madaxda dowladda Federaalka, siyaasadda Soomaaliya, iyo hadba madaxda maamulada laga dareemo in ay lid ku yihiin siyaasadda dowladda Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin qaarkood xilliyo hore xilal sare soo qabtay, qaarna hadda yihiin Xildhibaano Federaalka, si bareero ahna ugu dooda siyaasadda dowladda Imaaraadka. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku eedeysay siyaasiyiintaas in ay yihiin “calooshood-u-shaqaystayaal raba in ay iibsadaan Qaranimada dalka.”

Haddii aad ogtahay ama aad dareento akoono BEENABUUR ah (Twitter ama Facebook) oo  lid ku ah madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ama kuwa maamulada dalka, fadlan nala qaybso akoonadaas, soona raaci caddeymo in akoonadu yihiin beenabuur lid ku ah Qaranida Soomaaliya.

 

Diiwaanka Daljir

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com