Kacdoonka dhalinyaro ee ka bilowday Puntland oo la bogaadiyay (dhegayso)

HomeWararka

Kacdoonka dhalinyaro ee ka bilowday Puntland oo la bogaadiyay (dhegayso)

Deegaamada Puntland ayaa waxaa ka bilowday kacdooyin dhalinyaro oo looga qaybqaadanayo bilicda magaalooyinka waawayn ee Puntland, kuwaasi oo u shaqayn

Miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen waddooyinka gala degmada Jamaame oo la soo saaray (sawirro)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (daawo)

Deegaamada Puntland ayaa waxaa ka bilowday kacdooyin dhalinyaro oo looga qaybqaadanayo bilicda magaalooyinka waawayn ee Puntland, kuwaasi oo u shaqaynaya si lacag la’ aan ah.

Dhalinyaradan ayaa ka kacday magaalooyinka Bosaso, Qardho, Garowe, Gaalkacyo iyo Burtinle, waxaana ay bilaabeen inay hormariyaan laamiyada waawayn ee magaalooyinka iyo olole balaaran oo ay dib ugu soo celinayaan nadaafadda , dhalinyaradan oo sidoo kale shir uu ugu soo dhamaaday magaalada Gaalkacyo kadib casuumaad ay ka heleen waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa bogaadiyay ololaha ay bilaabeen raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo qadka taleefanka uga qaybgalay shirkii ugu soo xirmay magaalada Gaalkacyo.

Shacabka magaalooyinka Bosaso, Garoowe, Gaalkacyo iyo Qardho oo maanta la hadlay radio Daljir ayaa dhiibtay dareenkooda la xiriirta sidii loo dhiiri gelin lahaa dhalinyaradan, wariyaha Daljir ee Qardho Maxamud Fantastic ayayna u warameen.

Hoos kadhegayso

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Dhalinyarada ukacdaypuntland waahormarkusookordhay dawlada iyo shacbka kakoraqabyaalad iyo waxyaalaha kahor imaanaya jiritaankiina guul DhaLINYARADA UKACDAy PUNTLAND.

DISQUS: