Kacdoonka dhalinyaro ee ka bilowday Puntland oo la bogaadiyay (dhegayso)

Deegaamada Puntland ayaa waxaa ka bilowday kacdooyin dhalinyaro oo looga qaybqaadanayo bilicda magaalooyinka waawayn ee Puntland, kuwaasi oo u shaqaynaya si lacag la’ aan ah.

Dhalinyaradan ayaa ka kacday magaalooyinka Bosaso, Qardho, Garowe, Gaalkacyo iyo Burtinle, waxaana ay bilaabeen inay hormariyaan laamiyada waawayn ee magaalooyinka iyo olole balaaran oo ay dib ugu soo celinayaan nadaafadda , dhalinyaradan oo sidoo kale shir uu ugu soo dhamaaday magaalada Gaalkacyo kadib casuumaad ay ka heleen waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa bogaadiyay ololaha ay bilaabeen raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo qadka taleefanka uga qaybgalay shirkii ugu soo xirmay magaalada Gaalkacyo.

Shacabka magaalooyinka Bosaso, Garoowe, Gaalkacyo iyo Qardho oo maanta la hadlay radio Daljir ayaa dhiibtay dareenkooda la xiriirta sidii loo dhiiri gelin lahaa dhalinyaradan, wariyaha Daljir ee Qardho Maxamud Fantastic ayayna u warameen.

Hoos kadhegayso


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Kacdoonka dhalinyaro ee ka bilowday Puntland oo la bogaadiyay (dhegayso)”

  1. Dhalinyarada ukacdaypuntland waahormarkusookordhay dawlada iyo shacbka kakoraqabyaalad iyo waxyaalaha kahor imaanaya jiritaankiina guul DhaLINYARADA UKACDAy PUNTLAND.

U Jawaab Xamdi Queen’s Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com