Booliska Jubaland oo ninkii gabadha ku dhaawacay Bosaso ku wareejinaya Puntland

HomeWararka

Booliska Jubaland oo ninkii gabadha ku dhaawacay Bosaso ku wareejinaya Puntland

Taliska ciidamada booliska ee Jubaland ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo qabashada nin ku eedaysan inuu gabar ku dhaawacay magaalada Bosaso, kadib

Ciidamadda Daraawiishta Puntland ee Sool iyo Nugaal oo uu u soo xirmay tababar la xiriira Xuquuqda Aadanaha (Sawiro)
Xasan Sheekh “Aragtida Sanbaloolshe waa mid isaga u gaar ah ka mid ma ahan mabaa’diida Xisbiga UPD”
Madaxweynaha Puntland oo Booqday Qabriga Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Taliska ciidamada booliska ee Jubaland ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo qabashada nin ku eedaysan inuu gabar ku dhaawacay magaalada Bosaso, kadib markii uu isku dayay inuu kufsi u gaysto, balse ay dagaal kala hortimid.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Warsame Axmed Sanka, kana mid ahaa ciidamada Puntland gaar ahaana kuwa badda ayaa laga qabtay magaalada Kismaayo kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada booliska ee Jubaland.

Taliyaha qaybta booliska ee Jubada hoose Cabdinaasir Cali Guuleed ayaa u sheegay warbaahinta magaalada Kismaayo eedaysanahaasi oo ay boolisku qabteen lagu wareejin doono Puntland si loo maxkamadeeyo.

Soo qabashada askarigaasi ayaa timid kadib xiriir dhexmaray wasaaradda cadaaladda Puntland iyo Jubaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: