Xasan Sheekh “Aragtida Sanbaloolshe waa mid isaga u gaar ah ka mid ma ahan mabaa’diida Xisbiga UPD”

HomeWararka

Xasan Sheekh “Aragtida Sanbaloolshe waa mid isaga u gaar ah ka mid ma ahan mabaa’diida Xisbiga UPD”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay hadal xasaasi ah oo ka soo yeeray C/llaahi Sanba

Hoggaanka Ahlusunna oo sheegay in dowladda afduubatey doorashada Galmudug
Diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho ka socda
Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay khilaafka madaxda Hiirshabelle

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jawaabay hadal xasaasi ah oo ka soo yeeray C/llaahi Sanbaloolshe oo ka tirsan Xisbiga UPD, kaasoo muran badan dhaliyay, kaddib markii uu si cad u sheegay inuu isaga doonayo in Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya nin ka soo jeeda Beesha Hawiye.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo geliyay bartiisa Facebook ku sheegay in aragtida uu qabo Sanbaloolshe ay tahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeyn aragtida iyo mabaa’diida Xisbiga UPD.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka:-

Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn. Sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman.

Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe).

Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha. Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: