Somaliland oo garsoorayaal looga eryay shaqada arrimo doorashooyinka la xiriira

HomeWararka

Somaliland oo garsoorayaal looga eryay shaqada arrimo doorashooyinka la xiriira

Guddiga baarista iyo kormeerka garsoorka Somaliland ayaa shaqada ka eryay sadex garsoore iyo hal xeer ilaaliye kadib markii lagu eedeeyey inay ku milm

Madaxda iyo Shaqaalaha Xoogga Korontada Eeneye oo tacsi diraya
Iska hor-imaad Garoowe ku dhexmaray Ciidamadda Puntland iyo Maleeshiyaad hubaysan (dhegayso)
Isbaddalka Geeska Afrika: Eriteriya oo u gacanhaadisay Djibouti iyo Madaxweyne Geelle oo weli miiska ka maqan

Guddiga baarista iyo kormeerka garsoorka Somaliland ayaa shaqada ka eryay sadex garsoore iyo hal xeer ilaaliye kadib markii lagu eedeeyey inay ku milmeen axsaabta siyaasadda ee doorashooyinka Somaliland.

Guddiga ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay inay xilka uga qaadeen garsoorayaasha kadib markii shacabku soo wargeliyeen, cabashana ay kasoo gudbiyeen.

Go’aankan ayaa sidoo kalle saameeyey laba ka mid ah garsoorayaasha oo la isku badalay.

Doorashooyinka madaxtooyada Somaliland oo bisha soo fool leh ku beegan ayaa waxaa isha si’aad ah loogu hayaa garsoorayaasha iyo ciidamada inay ku milmin doorashooyinka guud ee Somaliland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: