Xaalka 17 Qof oo ku Sumoobay Ceelka Ileed ee Degmada Ballidhin, Gobolka Bari (dhegayso)

HomeWararka

Xaalka 17 Qof oo ku Sumoobay Ceelka Ileed ee Degmada Ballidhin, Gobolka Bari (dhegayso)

Deegaanka Ballidhin ee Gobolka Bari gaar ahaan ceel ku yaal duleedka magaalada oo muddo sanado badan ah dadku ay ka cabbi jireen waxaa ku sumoobay dad

In kabadan 100 Macalin oo amni darro darteed uga cararay Mandheera Kenya
Wasiir Abdi Farah Juxa: “Cidkasta oo Villa Somalia tagta ayaa jidboota”
Laascanood oo lagu daadiyaay Warqado ay ku qornayeen”Jeegaani nama Juujubi karto Jihaadba no Balan ah ”

Deegaanka Ballidhin ee Gobolka Bari gaar ahaan ceel ku yaal duleedka magaalada oo muddo sanado badan ah dadku ay ka cabbi jireen waxaa ku sumoobay dad xoolodhaqato ah. Ceelka oo lagu magacaabo Ceelka Ileed ayaa illaa iyo hadda waxaa u jiifa dad ku sumoobay biyo ay ceelka cabeen, qaarna u dhintay. Illaa iyo hadda 17 qof ayaa bukaanjiif ah, meesha 5 qof ay dhinteen.

Bukaanada ayaa waxaa la kala geeyay isbitaalada Bossaso iyo Carmo. Waxaa kale oo la qiyaasayaa jiritaanka boqollaal kale oo biyaha cabbay, lagana cabsi qabo in ay dhawaan soo dhacaan.

Ma jirto illaa iyo hadda tiimam caafimaad oo gaaray Ceel Ileed.

Xuseen Siciid Maxamed Mataan waa Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Balidhidin waxa uuna u waramay wariye Xasan Heykal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: