In kabadan 100 Macalin oo amni darro darteed uga cararay Mandheera Kenya

HomeWararka

In kabadan 100 Macalin oo amni darro darteed uga cararay Mandheera Kenya

Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Dalka Kenya, in ka badan 804 Macalin ayaa isaga baxday Magaalada Mandheera Gobolka Soomaalida ee

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Bogga Rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa laga saaray Wareegtadii lagu magacaabay Guddiga ilaalinta Dhulka?
Beeraha Togga Baalade (Bossaso): Abuurka ay hay’adaha samafalku bixiyeen ma mid sumeysan baa? (daawo)

Sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Dalka Kenya, in ka badan 804 Macalin ayaa isaga baxday Magaalada Mandheera Gobolka Soomaalida ee Kenya Maamusho, kadib markii cabsi ay soo wajahday.

Barayaashaan ayaa u dulqaadan waayay Xaaladda amni darro ee ka taagan ismaamulka iyo deegaanada kale ee ku teegsan sida Magaalada Garisa, waxaana kadib ay qaateen go’aanka ay uga baxeen Magaalada Mandheera.

Issak Giro oo ah Madaxa Waxbarashada ismaamulka Mandheere waxa uu sheegay in Macalimiintaan ay muhiim u ahaayeen tacliinta jiilalka kala duwan, balse tallaabada ay qaadeen ay waji gabax ku noqotay.

Waxa uu intaas ku daray in barayaashaan ay door muuqdo ku lahaayeen waxbarashada Dugsiyada Hoose iyo sare, isla markaana ay hayeen adeeg muhiim u ah Bulshada Ismaamulka Soomaalida.

“Illaa iyo hadda, 550 macallimiin aan ahayn kuwa maxalliga ah ayaa ka tegey Dugsiyada hoose halka 254 ay ka baxeen Dugsiyo sare, “ayuu yir Issak Giro Madaxa Waxbarashada Ismaamulka Mandheera.

Waxa uu ku baaqay in wax laga qabto amni darada deegaanada Soomaalida oo sabab u noqotay isbadal ku yimid horumarka bulshada, waxaana uu quus ka muujiyay tayada tacliinta Ardayda, maadaama macalimiin tayo leh ay ka tageen deegaankooda.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Magaalada Mandheera Cali Roobo oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi waxa uu dowladda Kenya ka dalbaday in ay wax ka qabato arrintaan oo uu ku tilmaamay musiibo ku wajahan ismaamulka.

Guddiga Adeegga Macalimiinta Kenya (Teachers service commission) loona soo gaabiyo TSC waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladda Macalimiinta wax ka dhigta Dugsiyada ku yaalla Ismaamulka Soomaalida, waxaana ay qireen in ay buuxiyeen warqadaha macalimiin halkaa isaga tagtay kadib markii ay ku korartay cabsida ay qabaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: