Cosoble, Madaxweynihii Xilka laga Qaaday ee Hirshabeele, oo Qaadacay Xil-ka-qaadis (dhegayso)

HomeWararka

Cosoble, Madaxweynihii Xilka laga Qaaday ee Hirshabeele, oo Qaadacay Xil-ka-qaadis (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Jowhar, ayaa ka soo horjeestay xilkaqaadisti

Warbixin Tartan & Tacliin: Shiikh Axmed Garaar, Waaciya Sare fkf Al-Waaxa Secondary, Garoowe
Aabaha dhalay luul Cabdicasiis ayaa yiri” meydka gabadhayda in 11 maalmood farinjeer Kujiro ninki..
Xoghayaha Xisbiga Ifiye Siciid Cali Cabdi: “Dadka reer Puntland kuma qanacsana meeshii hore ee la joogey”

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Jowhar, ayaa ka soo horjeestay xilkaqaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano gaaraya 68 Xildhibaan.

Cosoble ayaa sheegay in hareerihiisa ay taagan yihiin Xildhibaano gaaraya 50 Xildhibaan, isaga oo sheegay in aysan jirin tirada xildhibaanada ay ku sheegeen kuwa xilka ka qaaday. Wuxuu sheegay mooshinka laga keenay in uu yahay mid sharcidaro ah, islamarkaasna sidaas aanan xilka looga qaadi karin, isaguna uu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble waxa uu sheegay Mooshinka Xildhibaanadii waday in ay gudbiyeen sida ay sheegeen maalin kahor, maalintii xigtana ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen, taasi oo muujinaysa ayuu yiri in ay tahay arrin aanan sharci ahayn.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: