OGAYSIIS: Jaamacadda Badda Cas (RSU), Bossaso – Sannad Waxbarasheedka 2017-2018

Jaamacadda Badda Cas oo looga bartay waxbarasho tayeysan, kuna qaabeysan halbeegga casriga ah ee tacliinta sare ee adduunka, lehna aqoonsi caalami ah, xubina ka ah jaamacadaha Afrika, carabta iyo aduunka, waxa ay ku wargalinaysaa dhammaan ardayda soo dhameysatay waxbarashada dugsiga sare iyo waalidiintooda, in Jaamcaddu qaadaneyso arday cusub Sanad waxbarasheedka 2017/2018.
Jaamacadda oo xarunteeda dhexe tahay Boosaaso, waxa ay sidoo kale farac ku leedahay magaalada Gaalkacyo.
Jaamacaddu waxay kuu haysaa kulliyadahan soo socdda:

1. Kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka, oo ka kooban:
a) Sharia & Law.

2. Kulliyadda waxbarashada. Oo ka kooban qaybahan soo socda:.
a) Islamic Studies
b) Social Science
c) Math & Physics.
d) Biology & Chemistry

3. Kulliyadda dhaqaalaha iyo maamulka, oo ka kooban qaybahan soo socda:
a) Economics.
b) Business Administration.
c) Accounting.
d) Public Administration.
e) Finance & Banking.
f) Statistics.
g) International Relations

4. Kulliyadda culuumta kombuyuutarka iyo Tiknoolojiyadda, oo ka kooban qaybahan soo socda:
a) Computer Science.
b) Information Technology.
5. Kulliyadda kalkaaliyayaasha iyo culuumta caafimaadka, oo ka kooban qaybahan soo socda:
a) General Nursing.
b) Public Health.
c) Medical Laboratory
6. Kulliyaadda Xannaanada Xoolaha, oo ka kooban:
a) Veterinary Medicine

Jaamacaddu waxay barnaamijka waxbarashada sare (post graduate programme) la waddaa jaamacado caalami takhasusaadka kala ah
1. Master of Business Administration
2. Master of Sharia & Law
3. Master of Education
Shuruudaha ardayga laga rabo:
1) Shahaado dugsiga sare asal iyo copy.
2) 4 sawir oo kalar ah (nooca teesaraha).
3) Warqad dhalasho.
4) Warqad asluub wanaag.
5) Gal ama fayl.
Diinwaangalintu waxa ay ka bilaabanaysaa Xarunta dhexe ee Jaamacadda ee xaafadda Biya-kulule Boosaaso, maalinta Sabtida ah oo taariikhdu ku beegantahay 12/08/2017, Sidoo kale wax ay ka bilaabanaysaa xafiiska aqbalaadda jamaacadda Badda Cas qaybteeda Gaalkacyo oo ku yaal xaafadda Israac ka soo horjeedka xarunta weyn ee Somtel maalinta Talaadada ah ee 01/08/2017. Guud ahaan diiwaangelinu waxa ay ku egtahay 25/09/2017.
Maalmaha shaqada waa Sabti ilaa Khamiis. Saacadaha shaqaduna waa 8:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo, 4:00 galabnimo ilaa 5:30 galabnimo.
Wixii faahfaahin dheeri ah fadlan kala xiriir:
Bosaso kala xiriir 0907799520 ama 0907762468 ama 0907777577
Gaalkacyo kala xiriir 0907034422 ama 0907791655 ama 0907772737 ama emailka: [email protected]
MAHADSANIDIIN

Ogaysiis … Ogaysiis … oo ogaysiiska HALKAN RIIX


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com