Cosoble, Madaxweynihii Xilka laga Qaaday ee Hirshabeele, oo Qaadacay Xil-ka-qaadis (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Jowhar, ayaa ka soo horjeestay xilkaqaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano gaaraya 68 Xildhibaan.

Cosoble ayaa sheegay in hareerihiisa ay taagan yihiin Xildhibaano gaaraya 50 Xildhibaan, isaga oo sheegay in aysan jirin tirada xildhibaanada ay ku sheegeen kuwa xilka ka qaaday. Wuxuu sheegay mooshinka laga keenay in uu yahay mid sharcidaro ah, islamarkaasna sidaas aanan xilka looga qaadi karin, isaguna uu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble waxa uu sheegay Mooshinka Xildhibaanadii waday in ay gudbiyeen sida ay sheegeen maalin kahor, maalintii xigtana ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen, taasi oo muujinaysa ayuu yiri in ay tahay arrin aanan sharci ahayn.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com