Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland: “Nama saameyn doonto is casilaadii Guddoonka Guddiga (TPEC)”

HomeWararka

Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland: “Nama saameyn doonto is casilaadii Guddoonka Guddiga (TPEC)”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa sheegtay inay xun tahay iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doo

Warka DDM iyo Wariye Xaawo Axmed Maxamed Garoowe (Daawo)
Maxay kawadda hadleen Wasiir Cali Balcad & Xoghayaha Ganacsiga Midowga Africa?
Abaanduulaha Ciidamadda Xogga Dalka oo ka hadlay XirirkaMaamulka Sh/hoose iyo Alshabaab (dhegayso)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa sheegtay inay xun tahay iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), isla markaana Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynayaan in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu yiri” Puntland waxaa ay u idmantahay ka guul gaarista hirgelinta doorashooyinka. Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaamac iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celisay hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl, sidoo kalena Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman uu u soconayo sidii loogu talo galay .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: