Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland: “Nama saameyn doonto is casilaadii Guddoonka Guddiga (TPEC)”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa sheegtay inay xun tahay iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), isla markaana Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynayaan in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu yiri” Puntland waxaa ay u idmantahay ka guul gaarista hirgelinta doorashooyinka. Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaamac iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celisay hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl, sidoo kalena Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman uu u soconayo sidii loogu talo galay .


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com