Waa sidee saaka xaalada deegaanka Saaxmegaag ee shalay lagu dagaalamay?

HomeWararka

Waa sidee saaka xaalada deegaanka Saaxmegaag ee shalay lagu dagaalamay?

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Saax-maygaag halkaas oo shalay dagaal culus uu ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo deg

Xildhibaan Hore Cabdibarre oo ugu Baaqay Saraakisha Amaanka Muqdisho inay is Casilaan (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl god ma loo galaa! (Taxanaha 31aad – maqal & muuqaal)

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Saax-maygaag halkaas oo shalay dagaal culus uu ku dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo degaankaasi wada dega.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku geeriyooday 13 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah waxaana ku dhaawacmay dad kor u dhaafaya 20 ruux, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka.

Dagaalka labada maleeshiyo Beeleed ayaa salka ku haaya dhul kuyaal degaanka oo ay isku qabsadeen, waxaana Isbitaalka Magaalada Boocame ee Gobolka Sool la geeyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas.

Mas’uuliyiinta Sar sare ee Maamulka Puntland iyo Isimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray dagaalka, iyaga oo dalbaday in si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan.

Dadka deegaanka Saax-maygaag ayaa sheegay inay weli cabsi ballaaran ay kajirto degaanka maadaama ay weli halkaasi isku hor-fadhoyaan dhinacyadii dagaalamay, isla markaana markasta la filan karo inay dagaalamay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: