Maxay kawadda hadleen Wasiir Cali Balcad & Xoghayaha Ganacsiga Midowga Africa?

HomeWararka

Maxay kawadda hadleen Wasiir Cali Balcad & Xoghayaha Ganacsiga Midowga Africa?

Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta

Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)
War-Murtiyeed laga soo saaray Shirka Madasha Guddiyada Dastuurka Garoowe (dhegayso)
Puntland oo Ka Hadashay Diyaarad Buuhoodle Ku Wajahnayd oo Garoowe Lagu Dejiyey (Waraysi)

Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Xoghayaha guud ee aagga ganacsiga Xorta ah ee Midowga Africa ee loo yaqaano AFCTFA.

Wasiiru Dawlaha ahna sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS Mudane Cali Cumar “Balcad” oo ka qeyb galaya meertada 37-aad ee Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la yeeshay xoghayaha Guud ee aaga ganacsiga xorta ah ee Midowga Africa Wamkele Mene.

Kulankan ayaa looga wada hadlay muhiimada uu ganacsiga xorta ah u leeyahay ganacsatada kala duwan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan dalalka Africa, isla markaana loo baahan yahay in la dar-dar geliyo arrimaha la xiriira ganacsiga xorta ah iyo in Soomaaliya ay meel mariso ka mid noqoshada suuqa ganacsiga xorta ah ee Africa.

Wasiir Cali Balcad, ayaa dhankiisa tilmaamay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u diyaarsan tahay xiligan sidii ay ula jaanqaadi lahayd dunida casriga ah gaar ahaan is dhex galka ganacsiga africa, isla markaana ay dedaal xoog leh ku bixinayso kor u qaadista xiriirka ganacsi ee Soomaaliya kala dhexaaya dalalka Africa iyo caalamka intiisa kale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: