Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiiradda Koonfur galbeed?

HomeWararka

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiiradda Koonfur galbeed?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey shirka golaha wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonf

Ururka Alshabaab oo weraar ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM leeyihiin
Maanka Dadwaynaha Iyo Mikroofanka Daljir (dhegayso)
Maxay ka wada hadleen madaxweyne Axmed Madoobe & Wafdi ka socda Turkiga?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey shirka golaha wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo todobaadkan Warbixin looga dhagaystay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga,Warfaafinta,Waxbarashada,iyo Dastuurka.

Wasiirka wasaaradda Amniga gudaha Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag oo ka warbixiyey xaalada Amniga deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegey in Amniga uu yahay mid wanaagsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay wadaan howlgalo lagu sugayo Amniga.

Wasiirada wasaaraddaha warfaafinta,waxbarashada iyo dastuurka ayaa sidoo kale ka warbixiyey howlaha shaqo ee wasaaraddaha iyo waxyaabaha uqabsoomay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa golaha wasiiradda uga mahadceliyey dadaalkooda ku aadan sida ay uga go,antahay in si cadaalad ah ay ugu adeegi lahayeen Shacabka ku nool deeganada Koonfur Galbeed waxaana uu golaha wasiiradda Warbixin ka siiyey shirkii arrimaha doorashooyinka uga qeybgalay magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: