Ururka Alshabaab oo weraar ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM leeyihiin

HomeWararka

Ururka Alshabaab oo weraar ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM leeyihiin

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubadda Hoose, weerarkan ayaa ahaa madaafiic hoo

Gudoomiyaha deegaanka Daarusalaam: “Mashaariic loogu talagaly deegaanka ayaa loo leexiyay degaano kale oo aan loogu talagalin”
Akhriso: Heshiis taariikhi ah oo ay kala saxiixdeen DFS iyo dowladd goboleedyada
Xildhibaanada Puntland u matala baarlamaanka Soomaaliya oo dacwad ka gudbinaya Wasiir Goodax Barre (daawo)

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubadda Hoose, weerarkan ayaa ahaa madaafiic hoobiyeyaal ah.

Saldhigga la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana ciidamada ku jawaabeen madaafiic culus.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhigga deegaanka Hoosingow.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax iyo weerar toos ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo Kenyaan ah oo marayey duleedka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana looga dilay illaa todoba askari, sida ay werisay warbaahinta gudaha Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: