Maxay ka wada hadleen madaxweyne Axmed Madoobe & Wafdi ka socda Turkiga?

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Axmed Madoobe & Wafdi ka socda Turkiga?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedkw Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Safiir kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya Ismail Emre Kosif, iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha Turkiga, Hay’ada bisha cas iyo howlwadeenada Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubaland iyo doorka ay ka qaadanayso Dowlada Turkiga gargaarka la gaarsiinayo dadka tabaalaysan iyadoo si hordhac ah ay hay’ada bisha cas ee turkiga raashin qeybin uga bilowday meelaha qaar.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Turkiga uga mahad celiyay jawaabta ilaa hada ay ka bixiyeen baaqii Dowlada Jubaland ay u dirtay bulshada Caalamka ee la xiriiray gurmadka abaaraha ka jira Jubaland.

Degaannada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu kamid yahay Maamulada ay saameysay dadka iyo Duunyada kunool Abaarta daran ee dalka kajirta, iyada oo meelaha qaar ay dad u geeriyoodeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com