Madaxweynaha Maraykanka oo ku dhawaaqay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan

Madaxweynaha Maraykanka oo ku dhawaaqay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dhammaan ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan uu ka soo saari doono 11-ka bisha September ee sanadkan, waxaana hadal uu xalay jeediyay uu ku sheegay in la joogo xilligii la soo afjari lahaa dagaalka mudda dheer dalkaas.

Maalintan ayaa ku beegan sanad-guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay weeraradii argagixiso ee lagu qaaday xarunta gacansiga adduunka iyo wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon.

“Weerarkii naxdinta lahaa ee dhacay 20-sano kahor daraadiis ayaan Afghanistan u aadnay, taasina ma sharraxi karto inaan halkaas ku sii nagaanno sanadka 2021” ayuu yiri Madaxweyne Biden oo ka soo hadlayay qolka Treaty Room ee Aqalka Cad oo ah isla qolkii uu madaxweynihii xilligaas George Bush uu kaga dhawaaqay duqeymaha xagga cirka ah ee lagu qaaday Afghanistan 7-da bishii Oktoober sanadkii 2001.

“Ciidamada Mareykanka qeyb kama noqon karaan gor-gortanka u dhexeeya dhinacyada ku dagaallamaya dal kale, mana sii wadi karno ballaarinta joogitaankenna milatari ee Afghanistan” ayuu raaciyay Madaxweyne Biden.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com