Wacaal Darey ah: Qara khasaare geystay oo Gaalkacyo ka dhacay

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Qara khasaare geystay oo Gaalkacyo ka dhacay

Wararka naga soo garaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qaraxa xoogan uu goor dhawayd ka dhacay bartamaha magaalada. Wariyaha Daljir ee Gaa

Puntland oo ka hadashay shirka uu ku baaqay Farmaajo
Dil saaka lagu fuliyay rag ka tirsan Al-Shabaab oo dilal & qaraxyo geystay
Alshabaab oo Gubay Qaar ka mid ah deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe

Wararka naga soo garaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qaraxa xoogan uu goor dhawayd ka dhacay bartamaha magaalada.

Wariyaha Daljir ee Gaalkacyo ayaa ku soo waramaya in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw maqaayada lagu magacaabo (Caways) oo ku taala Ex- xero Daraawiish.
Qaraxa ayaa lala eegtaya ciidamado Boolis ah oo roondo kujiray wuxuuna qaraxau ahaa Miino dhulka lagu aasay.

Inta laxaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay hal qof oo ilaa iyo haatan aan la xaqiijin in uu kamid ahaa askartii qaraxa lala beegsaday iyo in uu ahaa qof shacab ah.
Ciidamada amniga ayaa goobta gaaray oo howlagal baaris ah ka sameeyay.

Nooca qaraxa ayaa lagu shegay Bambada gacanta laga tuuro.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii udambeeyay soo hagaagayay kadib markii ay ciidamadu kordhiyeen howlgalada amniga lagu xaqiijinayo.
Xasan Heykal, radio Daljir Garoowe.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0