Puntland oo ka hadashay shirka uu ku baaqay Farmaajo

Puntland oo ka hadashay shirka uu ku baaqay Farmaajo

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.

Wasiirka oo ay wareysatay laanta afka soomaaliga ee Bbcda ayaa waxaa uu sheegay in Farmaajo uusan jirin Baarlamaan uu hortago oo go’aan gaari karo isla markaana ay yihiin kuwo laba dhinac u kala jaban oo ay kala hoggaaminayaan Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi.

” Baarlamaanka iyaga ayaaba sharci aheyn oo waqtigooda dhamaaday muddana ma kordhin karaan, iyana ma kordhisan karaan micna ma soo kordhineyso hadii uu Madaxweynaha hortago” ayuu yiri, Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Hase yeeshee afhayeenka Puntland ayaa sheegay in puntland ay diyaar u tahay shirar kasta oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo leh damaanad Beesha Caalamka ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com