Wacaal Darey ah: Qara khasaare geystay oo Gaalkacyo ka dhacay

Wacaal Darey ah: Qara khasaare geystay oo Gaalkacyo ka dhacay

Wararka naga soo garaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qaraxa xoogan uu goor dhawayd ka dhacay bartamaha magaalada.

Wariyaha Daljir ee Gaalkacyo ayaa ku soo waramaya in qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw maqaayada lagu magacaabo (Caways) oo ku taala Ex- xero Daraawiish.
Qaraxa ayaa lala eegtaya ciidamado Boolis ah oo roondo kujiray wuxuuna qaraxau ahaa Miino dhulka lagu aasay.

Inta laxaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay hal qof oo ilaa iyo haatan aan la xaqiijin in uu kamid ahaa askartii qaraxa lala beegsaday iyo in uu ahaa qof shacab ah.
Ciidamada amniga ayaa goobta gaaray oo howlagal baaris ah ka sameeyay.

Nooca qaraxa ayaa lagu shegay Bambada gacanta laga tuuro.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii udambeeyay soo hagaagayay kadib markii ay ciidamadu kordhiyeen howlgalada amniga lagu xaqiijinayo.
Xasan Heykal, radio Daljir Garoowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com