LATALIYE MAXAMED MUSA OO EERSADAY “JIIR KU DHACAY FUUSTO BIYO AH” & CAGJAR OO XILKII KA XAYUUBSHAY

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

LATALIYE MAXAMED MUSA OO EERSADAY “JIIR KU DHACAY FUUSTO BIYO AH” & CAGJAR OO XILKII KA XAYUUBSHAY

Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Md. Mustafe Muxumed Cumar ayaa tallaabo xil-ka-qaadis ah ku sameeyey Maxamed Musa Yusuf oo a

Dowlad Deegaanka oo biloowday tababar wacyigelinta COVID-19
Fiilo koronto soo dhacday oo suuqa qudaarta Jigjiga dhimasho ka dhalisay
JIGJIGA: Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo maanta xadhiga ka jaray Xarun Kaliyaha lagu sifayn doono (daawo)

Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Md. Mustafe Muxumed Cumar ayaa tallaabo xil-ka-qaadis ah ku sameeyey Maxamed Musa Yusuf oo ahaa Lataliyaha Hoggaanka Nabadgaliyada iyo Caddaalada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS).

Xil-ka-qaadista ayaa timiday kaddib markii uu Maxamed Musa Yusuf bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ay bulshadu aad uga cadhootay, una muuqday jeesjees uu ku jeesjeesayo gabadhii yarayd ee afar jirka ahayd ee ku dhimatay god ay ku dhacday, kuna jirtay lix maalmood iyada oo aan wax gurmad ah dawladda deegaanku la soo gaarin lixdaas maalmood.

Gabadhaas afar jirka ah ayaa magaceedu ahaa Mumtaas Cabdi Jeex. Dhacdadaas foosha xun ayaana ka dhacday tuulada Gabogabo ee degmada Tuli Guuleed ee gobolka FAAFAN.

Lataliye Maxamed Musa Yusuf qoraalka uu bartiisa Facebook soo dhigay ayaa waxa uu gabadhii yarad  ee afar jirka ahayd ee godka ku dhacday, ku jirtay lix maalmood, maalinkii lixaadna ku dhimatay waxa uu ku tilmaamay “jiir ku dhacay foosto biyo ah” oo aan wax macno ah laheyn, laakiin muranka ka dhashay uu qayb ka yahay xorriyatal qoolka ka hanaqaaday deegaanka.

Maxamed Musa Yusuf oo ah lataliyaha hoggaanka nabadgaliyada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) qoraalkiisan kaddib waxaa gadooday shacabkii Kililka Soomaalida oo markii horeba arrinta gabadha yar iyo waxqabad-la’aanta dawladda aad uga murugaysnaa.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa qoraalka lataliyiisa ku tilmaamay “kicin qabiil” sidaas darteedna uu mudanyahay in sharciga la waafajiyo.

 

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: