Tailiyaha Ciidamada AMISOM oo gaaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose

HomeWararka

Tailiyaha Ciidamada AMISOM oo gaaray degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose

Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoo

Madaxda Sare ee dowladda oo kulan gaar ah ka yeeshay dhacdadii Boosaaso
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland oo loo magacaabay S/Guuto Muxyadiin Axmed Muuse
Tirinta codadka ee doorashooyinka Somaliland oo socota

Taliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha ayaa booqday saldhigyada Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Dhoobley, isagoona halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada, wuxuuna kala hadlay arrimo kaka duwan.

Taliye Tigabu Yilma ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Dhoobley kala hadlay xaaladda guud ee Gobolka gaar ahaan tan degmada iyo mida nololeed ee Ciidamada ku sugan yihiin.

Wuxuuna ku booriyay iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Al-Shabaab iyo sidii looga sifeyn lahaa deegaanada ay ku harsan yihiin.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: