Dhul gariir dad ay ku dhinteen oo ka dhacay wadanka Turkiga

Ugu yaraan 18 qof ayaa geeriyootay, halka ay dhaawacmeen 500 qof, kadib markii uu dhul gariir ka dhacay wadanka Turkiga.

Dhul gariirk ayaa cabirkiisu lagn sheegay 6.8-magnitude ,waxa uuna ka dhacay Bariga wadanka Turkiga.

Kooxaha gurmadka waxa ay ku howlan yihiin bad baadinta dadka, waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya gurmadka ciidanka ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar.

Wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca oo tagay goobta uu ka dhacay dhul gariirka ayaa sheegay in dad fara badan ay barakaceen ,kadib markii uu dumay guryihii ay degnaayeen.

Tirada rasmiga ah ee ku dhaawacantay dhul gariirka ayaa ah 553, oo 11 ka mid ah ay dhaawacyadooda yihiin kuwa daran.

 

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com