Yaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya? (daawo)

Yaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya? (daawo)

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & Jinsiyadda ah.

Agaasimaha cusub ayaa loo Magacaabau Cabdulqaadir Cilmi Cali, iyagoo uga mahadceliyay Agaasimihli hore ee hay” adda Mudane Maxamed Aadan Koofi howshii u soo qabtay.

Koofi ayaa Agaasimaha muddo ka badan Lix sano, waxaana Agaasimaha cusub uu ahaa la taliyaha Ra,iisul wasaaraha.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale Magacaabay Gudoomiyaha Hay,adda Batroolka Qaranka.

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Eng.Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com