Xulka gobalka Banaadir oo ku guulaystay Koobka Maamul gobeedlyada & Gobalka Banaadir

Xulka gobalka Banaadir oo ku guulaystay Koobka Maamul gobeedlyada & Gobalka Banaadir

Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo tartankana ay ciyaarta kama dambeyska ah ay isugu soo hareen gobolka Banaadir iyo Galmudug iyadoo saacadihii ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 2-2 ah.

Hase yeeshee labada xul oo loo dhigey rigoorayaal ayaa waxaa ku badiyay xulka Banaadir oo dhaliyay 3 gool halka xulka xulka Galmudug aysan gool dhalin.Goolhayaha xulka Banaadir Hanad ayaa qabtay saddex rigoore taasoo ka dhigtey ciyaarta mid ay xulka Banaadir ku guuleysatay.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee maanta la ciyaaray ayaa waxaa labada koox ay muujiyeen dadaal xoog leh iyadoo xulka Banaadir uu ku hormaray goolka hore balse marwalba la barbareynayay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com