Xukuumadda Soomaaliya oo Ka Hadashay Wadahadalka Sheekh Mukhtaar Roobow

HomeWararka

Xukuumadda Soomaaliya oo Ka Hadashay Wadahadalka Sheekh Mukhtaar Roobow

Wasiirka 1aad ee dalka Soomaaliya Ra'iisul wasaare  Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Sheekh Muqtaar Cali Roobow (Abuu Mansuur) i

Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warbixinta Kalfadhiga 39aad ee Baarlamaanka Puntland (dhegayso)

Wasiirka 1aad ee dalka Soomaaliya Ra’iisul wasaare  Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Sheekh Muqtaar Cali Roobow (Abuu Mansuur) in hada uu u socdo wada hadal, kadib markii dhowaan uu isku soo dhiibay Dowladda.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu sheegay in Muqtaar Roobow ay Muqdisho keeneen Ciidamo Soomaaliyeed, oo aanay jirin Ciidamo cadaan ah oo ka shaqeeyay in Roobow uu Dowladda isku soo dhiibo.

Dhanka kalena, Khayre ayaa sheegay in marka uu dhammaado wada hadlaka Roobow in Dowladda Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto khibarada uu u leeyahay arrimaha amniga iyo sidii looga qaadan lahaa fursada uu u leeyahay in dalka oo dhan amni laga dhigo.

Muqtaar Roobow Abuu Mansuur, oo 15-kii bishan lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa si cad wuxuu u sheegay inuu ka baxay Ururka Al Shabaab, muddo laga joogo Shan Sano iyo Todobo bilood.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: