Jabhadda ONLF oo Ka Hadashay Go’aankii Qalbi-dhagax DFS Ugu Wareejisey Itoobiya

Jabhadda ONLF oo Ka Hadashay Go’aankii Qalbi-dhagax DFS Ugu Wareejisey Itoobiya

War-saxaafadeed ka soo baxay ONLF oo lagu qoray bogga ururka ayaa lagu xaqiijiyay in C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo dhammaan qoyskiisa ay laayeen taliska TPLF ee Itoobiya.

ONLF waxay caddeysay in dowladda Soomaaliya ay si  qasab ah oo aan rabitaankiisa ahayn sarkaalkaasi ugu wareejisay Itoobiya iyadoo markii hore sheegtay inay sii deyneysi kadib markii laga soo qabtay magaalad Gaalkacyo.

Qoraalka ONLF ayaa caddeysay in madaxda Soomaalida ee xilligan ay dembi aan la cafin ka galeen umadda Soomaaliyeed, waxaana madaxdaasi ugu horeeya:

1- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

2- Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

3- Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe

4- La-tliyaha Amniga madaxweynaha Bashiir Maxamed  Jaamac (Goobe)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com