Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta

Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta

Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS waxay xoojinaysay baaqii ay soo saartay 11/ 12/2022 iyo midkii ka soo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku saabsanaa inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayay isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u xilsaaran ilaalinta mabaad’ida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayaa ku dadaali in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.

Bahda Sports-ka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda kala jooga ayaa soo dhoweeyay bayaankii wasaaradda ka soo baxay todobaadkii hore .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com