Dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamada dowladda, kuwa degaanka & Al-Shabaab

Dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamada dowladda, kuwa degaanka & Al-Shabaab

Dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa manta waxaa uu ka dhacay degaanka Xaawada Gadiid oo 30km u jira Magaalada Moqokori ee obolka Hiiraan dhinaca degmada Aadan-yabaal oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhexmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka iyo Al-Shabaab kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada ee degaanka Xaawa Gadiid.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii dhacay ay kudileen Xubno badan oo katirsan Al-Shabaab.

Wararka la helay ayaa waxaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay gudaha u galeen degaanka cali Axmed oo kuyaalla xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannadii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com