Xukuumadda oo si rasmi ah Maamulka Gobalka Banaadir ugu Wareejisay Maamulka Waxbarshada Caasimadda

HomeWararka

Xukuumadda oo si rasmi ah Maamulka Gobalka Banaadir ugu Wareejisay Maamulka Waxbarshada Caasimadda

Xukuumadda oo dadaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobalka ku

Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO 7-FEBRUARY- 2023

Xukuumadda oo dadaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobalka ku wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda.

Ku wareejinta maamulka gobalka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka.

Ujeedada is-fahamka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaa
munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobalku uu la wareego mas’uuliyadda waxbarashada gobalka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: