UNFPA “Haweenka & Gabdhaha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin ilaalin,”

HomeWararka

UNFPA “Haweenka & Gabdhaha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin ilaalin,”

Sanduuqa tirakoobka dadka QM ee magaciisa loosoo gaabiyo UNPFA xafiiskiisa Soomaaliya ayaa ku baaqay in la meelmariyo xeerka tacadiyada kadhanka ah Ji

Qarax ka dhacay degmada Baraawe & khasaaro ka dhashay
Aqalka Sare oo Ansixiyey Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya (dhegayso)
Wasiirka Ganacsiga DFS: “Haddi aan fursad u helo waxaan qoran lahaa dadka igu haybta ah”

Sanduuqa tirakoobka dadka QM ee magaciisa loosoo gaabiyo UNPFA xafiiskiisa Soomaaliya ayaa ku baaqay in la meelmariyo xeerka tacadiyada kadhanka ah Jigsiga ee loo gudbiyey baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ah mid sugaya xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta haweenka & gabdhaha Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’ada UNFPA maanta oo bisha August ay 9 tahay lagu sheegay inay walaac xoogan tahay waxka qabasho la’aanta baarlamaanka Soomaaliya ee sharciga danbiyada ka dhanka ah Jinsiga oo sanadkii 2019 ay golaha xukuumadu u gudbiyeen baarlamaanka ayna ahayd in la mariyo akhrin sharci lana ansixiyo.

“Waxaanu ku baaqaynaa in si degdeg ah loo meelmariyo sharciga Kugsiga, kaasoo hadda ay hakiyeen baarlamaanka, Sharcigani wuxuu door muhiima ka qaadan doonaa ka hortaga kufsiga & danbiyaynta ka dhanka ah haweenka, UNFPA Soomaaliya waxay ku baaqaysaa xoojinta ilaalinta nidaamka & dhawrista dumarka & gabadhaha oo ay sii socoto khatarta ay ugu jiraan inay wajahaan tacadiyada jinsiga ku salaysan,” ayuu yiri Wakiilka UNFPA Somalia Mr. Anders Thomsen.

UNPF oo warsaxaafadeedkeeda sii wadata ayaa sheegtay inaysan marna taageeri doonin xeer kasta oo ogolaanaya in lagu xadgubo haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed & sii faafitaanka shaqaaqooyinka haweenka ka dhanka ah oo dheeraad ah ama ka weecashada dhaqamada & xeerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.

“Haweenka & gabdha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin in la ilaaliyo lagana badbaadiyo rabshadaha jinsiga ku salaysan ee ku socda & Waxyeelaynta dhaqanka laga dhigtay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka UNFPA.

“Maanta & maalin walba aan u istaagno ilaalinta xuquuqda , badqabka & sharafta ggabdha & dumarka meel walba oo Soomaaliya ah.” ayaa lagu soo gaba gabeeyey warsaxaafadeedka UNFPA.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: