Xukuumadda oo dalbatay saddex sheybaar oo lagu baaro cudurka Coronavirus

Xukuumadda oo dalbatay saddex sheybaar oo lagu baaro cudurka Coronavirus

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalbatay saddex Sheybaar oo sameyn kara baaritaanka Cudurka Coronavirus COVID-19, iyadoo dalabkan loo diray Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Caafimaadka ee loo yaqaano WHO.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar ayaa sheegtay inay rajeynayaan in qalabkaas uu dalka soo gaaro labo illaa iyo saddex todobaad gudahood.

Sheybaarkan ayaa marka dalka la keeno waxaa ku xigi doonta in shaqaalaha ku shaqeyn doona la tababaro.

Soomaaliya ayaa xilligan baaritaanka dheecaanka qofka looga shaki qabo cudurka Coronavirus u dirta dalka dibaddiisa, gaar ahaan sheybaarka Hey’adda WHO ku leedahay dalka Kenya, kaasoo natiijada baaritaanka qaata muddo todobaadyo ah.

Illaa saddex kiis oo ah cudurka Coronavirus ayaa laga helay Soomaaliya, mid ka mid ah saddexda ruux ee laga helay waxaa uu u dhashay dalka India, kaasoo ah qandaraasle u shaqeeya Qaramada Midoobey.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com