Xukuumadda DDS oo Shacabka Salaxaad & Raaso Nabad ugu Baaqday

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Xukuumadda DDS oo Shacabka Salaxaad & Raaso Nabad ugu Baaqday

Wafti uu horkacayo kuxigeenka Wasiirka Madaxtooyada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Mudane Cabdirisaaq Sayid ayaa gaadhay degmada Raaso ee gobolka

SAWIRRO: Bilicda Buuralayda gobolka Sitti ee (DDS) (Sawirro)
TULI GUULEED | FAAFANWaxsoosaarka iyo Dhul Beereedka Dagmada Tuli Guuleed ee Gobolka Faafan, DDS
Kalfadhigii 6aad ee Golaha Wasiirada Dowlad Deegaanka (DDS) oo maanta furmay

Wafti uu horkacayo kuxigeenka Wasiirka Madaxtooyada Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) Mudane Cabdirisaaq Sayid ayaa gaadhay degmada Raaso ee gobolka Afdheer iyo degmada Salaxaad ee gobolka Erer ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) si ay xal ugu helaan khilaaf dhiig ku daatay oo dhexmaray shacabka labada degmo.

Kuxigeenka wasiirka Madaxtooyada Cabdirisaaq Sayid ayaa la kulmay odayaal dhaqmeedka labada dhan ee dagaalku dhaxmaray halkaasoo ay iskula qaateen heshiis nabadeed iyo xabbad-joojin degdeg ah.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in ay ku guulaysteen xal-u-helka khilaafaadka Salaxaad iyo Raaso oo maalmahan dagaalo xooggan ka socdeen xudduudka labada degmo. Dagaalka ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii jabisa heshiiska laba geesoodka ah ee nabadaynta degmooyinka Raaso ee gobolka afdheer iyo Salaxaad ee gobolka Erer.

 

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: