Xubno ka tirsan xisbiga Waddani oo Hargeysa lagu xiray

Xubno ka tirsan xisbiga Waddani oo Hargeysa lagu xiray

Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani ee Somaliland Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun ayaa Caawa lagu xiray magaalada Hargeysa.

Afhayeenka oo caawa fiidkii ka hadlayay shir jaraa’id ayaa markuu dhameystay kadib Xabsiga loo taxaabay, wuxuuna sheegay iney dowladda ay ciidamo geysay Xarunta Xisbiga.

Xoghayihii guud ee xisbiga mucaaradka ee Wadani Khadar Xuseen ayaa gaaray saldhigga booliska ee lagu xirey afhayeenka xisbiga Barkhad hase yeeshee ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay Khadar markii uu gaaray saldhiga boolisk.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa uu ugu baaqay galabta taageerayaasha xisbiga in magaalada Hargaisa ay isugu soo baxaan xarunta xisbiga,taas oo keentay in caawa waddooyinka magaalada Hargaisa dowlada ay dhigto ciidamo aad ufarabada.

hadalka guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa ku soo beegmaya xili maanta xeerilaaliyihii maxkamada ciidamada Soomaaliland uu isku soo dhiibay dowladda Puntland.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana laga cabsi qabaa in maalinta beri ah ay dhacaan dibadbaxyo rabshado wata.

Diiwaanka warraka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAA ARIN QATARTEEDA LEH LKN MUUSE MA DAREENSANA.
    WAXAY SHEEKADU MARAYSAA WIS,& XINIIYO TAABASHO.
    H/YONIS GALBEED CAQLIGEEDA BAY S/LAND KU BADBAADAY INTII MUUSE HAYSTAY.
    LKN SIDA MUUSE ULA DHAQMAY REERKAS WAA AXMAQNIMO AYKA MUUQATO QAYRUL MASUULNIMO.
    LKN MAANTA H/YONIS WAXAY ARAGTAA IN AAN MEELNA U BADQABIN WAXAY KA WERWEREEGAYSAY EE DAGAALKA AHAANA AY KU QASBAN TAHAY..
    IGA QORA: WAXAA ODAYAASHA S/LAND ISKU DAYI DOONAAN WADA HADAL & WAAN-WAAN ILAA CAAWA MUUSANA WAA DIIDI DOONAA H/YONISNA WAXAY GELI DOONTAA DAGAAL LABA DHINAC AH OO AH:-
     H/JECLO & BURCO.
    HARGEYSA & XUKUMADA BIIXI.
    XAQIIQDIINA H/YONIS WAA LA DULMIYEY WALIBA SI FOOL XUN OO GUNIMO AH BUU BIIXI ULA DHAQMAY OO DAGAAL SHAANSHIYEED AH,OO DUGAAGNIMO AH
    ILAA AGAASIMAYAASHII BAY BIIXI LA MARAYSAA INUU DHAHO WA’AYO AGAASIMAHAASI?WAA H/YONIS WAA BEDEL.
    MAANTANA WAXAY LA MARAYSAA XISBIGII KALIYA EE AY ILAASHANAYEEN & DOORASHADII AYKA FHURSUGAYEEN INTUU FOGEEYEY,OOSIDUU RABO UMAAMUSHAY HADANA XISBIGII XIRXIRO.KII HADLABA XIRO.
    S/LAND WAA REERO LKN 2SANO EE MUUSE WAXAY KU BADBAADAY WAA CAQLI H/YONIS GALBED OO TAQAAN DULQAAD & GARASHO LKN MAANTA WAY KALIFSN TAHAY!!.
    ILAAHAY HAW SAHLO SHACABKAAS MASAAKIINTA AH EE NABADA HAYSTA EE MUUSE KAGA KHAMAARSYO NABADA.
    WAR BAL TII CEEL AFWEYN BUU DAMIN WAAYEE MA MID KALE BUU U TAAGHAYAA MUUSE??!?!?.
    CAQLIGA MUUSE WAA CAQLIGII SHALAY DHAHAY:
    “ANIGOO WAX DILI KARA DUCO QAADAN MAAYO.
    TAARIIKHDU WAA MUHIM IN WAX LAGA BARTO.QOFKA HADAAD TAARIIKHDIISA BARATO OO AAD TAQAAN,WAXAAD OGAANAYSAA WUXU YAHAY!!.UMA BAAHNID SHARAXAAD KALE,WAXAASE AYAANDARO AH KUWA DOORTAY MUUSE IYAGOO YAQAAN OO WALIBA KU YAQAAN IS AD-ADKAYN & FAATAA AAN MEELA JIRIN OO FATOOSHA.MUUSE IS ADKAYNTA WUXUU U YAQAAN NINIMO.
    QOF UMADD XUKUMAANA ISMABA ADKAYN KARO WAA INUU IS DEBCIDYAA OO U DEBECSANAADAA UMADA 90%.HAA MARKUU DAGAAL JIRO IS ADKAYNTU WAA MUHIM LKN XILIGA NABADA DEBECSANAANTU WAA MUHIM LKN MUUSE CEEB BUU U YAQAAN DEBECSANAANTA.
    WUXUNA WAA BEELO & QABYAALAD QAAWAN OO SIYAASADA LAGU SALEEYEY,DABAKHAY.
    H/YONISNA MAANTA XAQ BAY ULEEDAHAY INAY DAGAALANTO,WHY?WAA LAGU QASBAY.
    ILAAHAY HAW SAHLO.

    “””””””””” H/JECLOOY MUUSE WAA KAAS “”””””
    KA XAAXAABIHEE IYAGOO OG BAY HADSANA DOORTEEN QABYAALAD INDHA LA’DARTEED.
    JEEGAANTA vs H/YONIS 7-0….LKN WAA DULQAADKA H/YONIS GALBEED.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com