Xubno katirsan Ururka Alshabaab oo gacanta lagu dhigay

Xubno katirsan Ururka Alshabaab oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16-aad ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyey degaanka Caliyoow Baaroow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburinta goobo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab laguna guuleystay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu howlgalka socday Ciidanku ay sameeyeen baaritaano lagu xaqiijinayay Ammaanka isla markaana ay soo qabteen 4 Xubnood oo katirsan Al-haabaab, kuwaas oo dhibaato ku haayay Bulshada.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada in Ciidanka Kumandooska DANAB ay meelkasta uga daba tagi doonaan Ururada Argagixisada ah ee Dhibaatada ku kaya Dadka Shacabka ah.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ugu badan oo ay Ciidamada Kumaandooska DANAB howlgallada ka fuliyaan, hayeeshee weli ay ka dhacayaan falal Amni darro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com