Guddoomiyihii hore ee Gobalka Gedo oo sheegay in weraar lagu soo qaaday

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Gedo oo sheegay in weraar lagu soo qaaday

Cismaan Nuur Xaaji Macalimow Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ugu magacaawnaa Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in xalay xilli dambe Gurigiisa oo kuyaalla Garbahaareey ay kusoo weerareen Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Mocalimow oo Hoygiisa Warbaahinta kula hadlay waxaa uu sheegay in weerarkaas la rabay in lagu dilo,, isla markaana xilli uu isku diyaarinayay in uu Saxuurto ay soo weerareen Ciidamo ku beel ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dhamaan Ciidamada jooga Gobolka Gedo iyo taliyeyaashooda ay yihiin kuwo Beeleed oo uu ka dambeeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa kamid ahaa ragga sida weyn u taageeri jiray Villa Somalia xilligii uu gudsoomiyaha ahaa, isaga oo la dagaalami jiray cid kasta oo ka hor timaada xukunka Villa Somalia

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0