Xubno kamid ah guddiga xalinta khilafaadka doorashooyinka oo Baydhabo u safray

Xubno kamid ah guddiga xalinta khilafaadka doorashooyinka oo Baydhabo u safray

Wafdi ka socda Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenka Guddiga Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay u safray magaalada Baydhabo ee caasimada kumeelgaarka ah Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga ayaa waxay korjoogto ka ahaan doonaan doorashada Saddexda xubnood aqalka sare BFS, ayaga oo diyaar u ah inay ka garnaqaan cabashooyinka kasoo noqon karaan Doorashooyinka.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka ayaa horay waxaa ay goobjoog uga ahaayeen doorashooyinkiia Aqalka Sare ee ka kala dhacay Magaalooyinka, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Garoowe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com