Xubno kamid ah Golaha Wasiirada oo taageeray Go’aanka Maxkamadda Sare

HomeWararka

Xubno kamid ah Golaha Wasiirada oo taageeray Go’aanka Maxkamadda Sare

Kadib markii Maanta Maxkamadda Sare ay diiday inay qaado dacwad uu u gudbiyay lataliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir taas oo

Dowladda Somaaliya wafdi ka socda oo gobalka Gedo ku wajahan
Shirkii Wadatashiga Puntland oo Warmurtiyeed laga soo saaray (Daawo)
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Kadib markii Maanta Maxkamadda Sare ay diiday inay qaado dacwad uu u gudbiyay lataliyaha Amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir taas oo ka dhan aheyd Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa taageeray qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos Ka Akhriso Saddex kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ee tageeray Go’aanka Maxkamadda.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay gaartay Maxkamadda Sare ee JFS ee uu hogaamiyo Garsoore Baashe Yuusuf Axmed.

Dhab ahaanti maxkamadda sare ee dalku waxa ay maanta u hiilisay qarannimada, nabadda iyo cadaaladda. Gudoomiye Baashe, garsoore Saalax Dhiblaawe & garsoore Cabdicasiisna waxa ay sameeyeen taariikh mudan in loo diiwaangaliyo garsoorka JFS.

Qoraalka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Aladaala

Sharciga ayaa hiiliyay, xaqa ayuuna u hiiliyay.
Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku imaanaysaaa dariiqaan oo kale.
Waa mahadsantahay Maxkamadda sare ee Dalku.

Inta badan Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa taageeray go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka ku diiday inay qaado dacwadda uu u gudbiyay Fahad Yaasiin taas oo ka dhan ah Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: