Dowladda Somaaliya wafdi ka socda oo gobalka Gedo ku wajahan

Dowladda Somaaliya wafdi ka socda oo gobalka Gedo ku wajahan

Wafdi uu hogaaminayo sii hayaha wasiirka waxbarashada xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare ayaa lagu wadaa inay gaareen gobolka Gedo gaar ahaan magaalooyinka Garbahaareey,Luuq iyo Baladxaawo.

Xubaha Wasiirka wehlinayo waxaa ka mid ah sida la filayo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee barlamaanka Jamhuutriyadda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Gobolka .

Cabdullaahi Goodax Barres ii hayaha wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa marka uu gaaro caasimada gobolka gedo ee Garbahaareey waxaa uu dhagax dhigo doono gaabo waxbarasho oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka,waxaana uu usii gudbo doonaan magaalada Luuq oo si la mid ah uga dhagax dhigo doono ,

Sii hayaha wasiirka waxbarashada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa ugu dambeyn kusoo gabagabeyn doonaan safarkooda magaalada Balad-xaawo oo ay ka dhagax dhigi doonaan gooba kale oo lagu xoojinayo waxbarashada gobolka Gedo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com